Waxaad heli doontaa isticmaalka farriimaha elektarooniga ah ee sanduuqa boostada-Suomi.fi
Farriimaha-Suomi.fi waa boostooyinka kuugu yimaada sanduuqa boostada ee elektarooniga ah ee kaaga imanaya masuuliyiinta.
Waxaad heli kartaa inaad usticmaashid farriimaha-Suomi.fi marka
Waxaad ka akhrisan kartaa boostooyinka masuuliyiinta ee kuu imanaya ablikeyshanka a telefoonka ama kombiyuutarka ee Suomi.fi iyo qalabka telefoonka borowsarka cinwaanka suomi.fi/viestit.
Hadda ka dib boostooyinka ay kuu soo diraan masuuliyiintu marka ugu horeysa waxaad ku heleysaa iimayl ahaan.
Farriimaha- Suomi.fi si otomaatik ah uma isitcimaali kartod, ee kaliya waxay noqonayaan inaad adigu isticmaalkooda qaadatid. Haddii aanad adigu weli isticmaalin farriimaha- Suomi.fi, waxaa lagugu hagayaa inaad qaadatid isticmaalka adeegga, marka aad gashid adeegga shabakada masuuliyiinta, OmaVero ama OmaKanta.
Fiiro u yeelo, in haddii aad kaga daneysaneysid adeeegyada ka daneysiga shirkad ahaan ama shaqsi kale dhinaciisa, farriimaha- Suomi.fi- waxaad u isticmaali kartaa kaliya adiga laftaada uun, uma isticmaali kartid shaqsigaas ama shirkadaas aad dhinacooda uga daneysaneysid.
Marka aad ka isticmaaleysid farrimaha- Suomi.fi boostooyinka ay kuu soo dirayaan masuuliyiintu marka ugu horeysaba boosta dijitalka farriimaha- Suomi.fi. Boostooyinka ay kuu soo diraan masuuliyiintu waxaa ku jiri kara go’aamo, ballamaha kuu qabsan, biilal ama farriimo kale. Meelahaa 400 oo masuul oo kala duduwan ayaa isticmaalaya farriimaha-Suomi.fi, tusaale ahaan:
Halkan ka fiiri dhammaan farriimaha- Suomi. fi hay’adaha isticmaala oo dhan
Farriimaha elektarooniga ah waxaa isticmaali doona shaqsiyaadka, kuwa:
Haddii aad isticmaashid farriimaha- Suomi.fi- waa wax wanaagsan, looma baahna inaad wax kale sameysid!
Isbedelku ma khuseeyo:
Haddii isbedelku uunan ku khuseynin adiga, farriimaha- Suomi.fi qaadashadooda shuruud lagaagama dhigayo adiga elektarooniga ku daneysiga la xidhiidha. Waxay warqadaha masuuliyiintu kuugu imanayaan gurigaaga, sida ilaa iyo imikaba.
Waxaad u qaadan kartaa farriimaha- Suomi.fi, markaad gashid adeegga shabakada masuuliyiinta.
Aqoonsashada xooggan ee la xidhiidha adeegga shabakada ee farriimaha- Suomi.fi-waxay noqonaysaa in lagugu hago isticmaalkiisa.
Iimaylkaaga bixintiisa adigaa u madax banaan, laakiin farriimaha-Suomi.fi waxay kuu soo dirayaan wargelin ah farriinta kuugu timid iimaylka. Haddii aad siin weydid cinwaankaaga iimaylka, kuma heli kartid halkaas wargelimaha farriimaha.
Haddii aad qaadatay isticmaalka farriimaha -Suomi.fi mar horeba, isbedelkaasi adiga kuma khuseeyaan. Waxaad ku heleysaa boostada masuuliyiinta ee farriimaha- Suomi.fi sidaadii hore hadda ka dib.
Markaad farriinku heshid ablikeyshanka a- Suomi.fi ama cinwaanka suomi.fi/viestit, waad aamini kartaa, in taas ay kuu soo direen masuuliyiin la yaqaanaa. Marka aad si xooggan u gashid adeegga ama ablikeyshanka a, waxaad furi kartaa warbixinaha lifaaqa ee farriimaha la xidhiidha ama linkiga.
U dhaqan sidan, si aad u hubisid farriimaha- Suomi.fi isticmaalkooda ammaanka:
Waxaad xili kasta ugu noqon kartaa inaad ku qaabisho boostada masuuliyiinta boosto waraaq ahaan ah.
Sidan u dhaqa:
Marka aad dhameyso isticmaalka farriimaha- Suomi.fi, mar dambe kama heli doontid farriimo cusub farriimaha- Suomi.fi. Weli waad arki doontaa kuwa Kuu yimiday- iyo Kuwaad dirtey-feylashooda farriimihii hore ee ku soo gaadhay ama aad dirtey, laakiin kama jawaabi kartid farriimahaas mana diri kartid farriimo cusub.
Kaliya ablikayshanka- Suomi.fi inaad ka saartid kuguma filna, ee waa inaad mar walba iska joojisid adeegga dejiyaha isticmaalka farriimaha- Suomi.fi-
Ku noqoshada boostada waraaqaha ahi waxay shaqeynayaan sanadkiiba mar.
Haddii aad saartid isticmaalka farriimaha-Suomi.fi oo aad sii wadatid isticmaalka adeegga ka daneysiga elektarooniga ah ee masuuliyiinta, waxaad geli kartaa adeegga shabakada masuuliyiinta 365 maalmood ee soo socda iyadoonan lagugu hageynin inaad qaadatid isticmaalka farriimaha- Suomi.fi.
Haddii aad koleyba sii wadeysid adeegyada dijitalka masuuliyiinta isticmaalkooda 365 maalmood mudadda loo cayimayna ay kaa xidhmato, waxaa lagugu hagayaa inaad markale qaadatid isticmaalka -Suomi.fi. Adeedgu wuxuu markaas noqonayaa aad mar kale isticmaaleysid, marka aad gashid adeegyada ka daneysiga ee masuuliyiinta midkood. Arrinta waxaa laguu sheegayaa adiga markaad galeysid, sidaas awgeed looma baahna inaad ka warwartid, in farriimaha - Suomi.fi ay noqonayaan kuwa aad isticmaaleysid adigoonan arrintaas ogeyn.
Farriimaha- Suomi.fi waad u isticmaali kartaa qof kale dhinaciisa tusaale ahaan marka uu qofka ehelkaaga ahi uu sameeyey ” Valtakirja/Warqadda wakiilashada”, oo uu kuu siiyo wakiilasho rasmi ah farriimaha- Suomi.fi isticmaalkooda. Wakiilashada waxaa la siinayaa Suomi.fi-wakiilashadooda adigoo adeegsanaya (adeeggu wuxuu ku shaqeeyaa finnish, iswedhish iyo ingiriisi). ”Valtakirjassa/ warqadda wakiilashada” waxaad dooraneysaa qaabka aad dooneysid, tusaale ahaan kaliya akhrisashada amaba sidoo kale farriimaha saaridooda. Haddii aad dooneysid inaad wakiil uga noqotid ehelkaaga visticmaalka farriimaha- Suomi.fi ama aad isticmaalka iska saartid, waxaad u baahan tahay wakiishaha Maareynta farriimiha elektarooniga ah/ Sähköisten viestien hallinnointi.
Iskaa inaad u bixisid wakiilashada
Wakiilnimada waxaa bixiya DVV:da xafiiskooda
FIIRO GAAR AH! Farriimaha -Suomi.fi xaaladnaba looma isticmaali karo in qof kale uu deymiyo qalabkiisa aqoonsashada xooggan, tusaale ahaan aqoonsashada bangigga.
Ku dar caawimaada isticmaalka farriimaha- Suomi.fi oo finnish, iswedhish iyo ingiriisi ah: