Suomi.fi
Sirdás njuolga sisdollui.

Dát siidu ii doaisttážii gávdno davvisámegillii

Oainnát sámegielat bálvalusaid dieđuid iežas siiddus.

Waa maxay farriimaha Suomi.fi-viestit? - somalia

Waxaad heli doontaa isticmaalka farriimaha elektarooniga ah ee sanduuqa boostada-Suomi.fi 

Farriimaha-Suomi.fi waa boostooyinka kuugu yimaada sanduuqa boostada ee elektarooniga ah ee kaaga imanaya masuuliyiinta.  

Waxaad heli kartaa inaad usticmaashid farriimaha-Suomi.fi marka  

  • aad gashid maamulka hay’adaha dadweynaha adeegyadooda ka daneysiga ee elektarooniga ah   
  • aad soo degsatid ablikeyshanka telefoonka ee- Suomi.fi 
  • aad ka qaadatid adeegga inaad isticmaashid cinwaanka suomi.fi/viestit 

Waxaad ka akhrisan kartaa boostooyinka masuuliyiinta ee kuu imanaya ablikeyshanka a telefoonka  ama kombiyuutarka ee Suomi.fi iyo qalabka telefoonka borowsarka cinwaanka suomi.fi/viestit. 

Hadda ka dib boostooyinka ay kuu soo diraan masuuliyiintu marka ugu horeysa waxaad ku heleysaa iimayl ahaan.

Farriimaha- Suomi.fi si otomaatik ah uma isitcimaali kartod, ee kaliya waxay noqonayaan inaad adigu isticmaalkooda qaadatid.  Haddii aanad adigu weli isticmaalin farriimaha- Suomi.fi, waxaa lagugu hagayaa inaad qaadatid isticmaalka adeegga, marka aad gashid adeegga shabakada masuuliyiinta, OmaVero ama OmaKanta.  

Fiiro u yeelo, in haddii aad kaga daneysaneysid adeeegyada ka daneysiga shirkad ahaan ama shaqsi kale dhinaciisa, farriimaha- Suomi.fi- waxaad u isticmaali kartaa kaliya adiga laftaada uun, uma isticmaali kartid shaqsigaas ama shirkadaas aad dhinacooda uga daneysaneysid.  

Marka aad ka isticmaaleysid farrimaha- Suomi.fi boostooyinka ay kuu soo dirayaan masuuliyiintu marka ugu horeysaba boosta dijitalka farriimaha- Suomi.fi. Boostooyinka ay kuu soo diraan masuuliyiintu waxaa ku jiri kara go’aamo, ballamaha kuu qabsan, biilal ama farriimo kale. Meelahaa 400 oo masuul oo kala duduwan ayaa isticmaalaya farriimaha-Suomi.fi, tusaale ahaan: 

  • Kela (tusaale warbixinaha go’aamadda)  
  • Traficom (tusaale cashuurta gaadiidka)  
  • Vero (tusaale warbixinaha arrimaha cashuurta shaqsiga)  
  • Digi- ja väestötietovirasto (tusaale wargelinta xuquuqda cod bixinta)  
  • Degmooyin badan (tusaale go’aa,adda) 
  • Nawaaxiyada nolol wanaaga oo badan (tusaale  warqadaha ballamaha kuu qabsan) 

Halkan ka fiiri dhammaan farriimaha- Suomi. fi hay’adaha isticmaala oo dhan  

Yaa heli doona farriimaha elektarooniga ah? 

Farriimaha elektarooniga ah waxaa isticmaali doona shaqsiyaadka, kuwa: 

  • kuwa ku soo galaya aqoonsiga shabakada bangigga ee xooggan ama ku hubinta telefoonka adeegsiga ka daneysiga elektarooniga ee masuuliyiinta qaarkoo (etusaale ahaan, cashuurta, booliska ama Kelada adeeggooda shabakada), iyo 
  • kuwa aana weli qaadanin isticmaalka farriimaha-Suomi.fi. 

Haddii aad isticmaashid farriimaha- Suomi.fi- waa wax wanaagsan, looma baahna inaad wax kale sameysid! 

Yaanan isticmaaleynin farriimaha elektarooniga ah?  

Isbedelku ma khuseeyo: 

  • Shaqsiyaadka aanan isticmaalin adeegyada shabakada ee masuuliyiinta inay galaan ee kaliya ka daneysanaya marinada kale  
  • shaqsiyaadka aanan haysanin qalabka aqoonsiga elektarooniga ah ee xooggan, oo ah tusaale ahaan hubiyaha aqoonisga ama aqoonsiga shabakada ee bangigga.   
  • shaqsiyaadka aanan haysanin aqoonsiga shaqsiga ee finnishka ah 
  • shaqsiga kuwa dano ilaaliyaha ah ama haysta warqada wakiilashada dano ilaalinta, iyo warbixinaha lagu keydiyey arrimaha diiwaanka masuulnimada  
  • shaqsiyaadka da’ada qaangaadhka ah ka yar  
  • shirkadaha 

Haddii isbedelku uunan ku khuseynin adiga, farriimaha- Suomi.fi qaadashadooda shuruud lagaagama dhigayo adiga elektarooniga ku daneysiga la xidhiidha. Waxay warqadaha masuuliyiintu kuugu imanayaan gurigaaga, sida ilaa iyo imikaba. 

Sidan ayaan u qaadan kartaa isticmaalka farriimaha- Suomi.fi geloitaankooda sida la xidhiidha  

Waxaad u qaadan kartaa farriimaha- Suomi.fi, markaad gashid adeegga shabakada masuuliyiinta.  

Aqoonsashada xooggan ee la xidhiidha adeegga shabakada ee farriimaha- Suomi.fi-waxay noqonaysaa in lagugu hago isticmaalkiisa. 

  • Riix ”Bilow/Aloita” si aad u qaadato isticmaalka farriimaha- Suomi.fi. 
  • Sii cinwaankaaga iimaylka. Waxaad ku heleysaa koodhka xoojinta iimaylkaaga. 
  • Geli koodhka xoojinta ee aad ku heshay iimaylkaaga. 
  • Diyaar ayuu noqdey! hadda ka dibna waxaad ka heleysaa masuuliyiintu warqadaha ay boostadu kuugu soo diri lahaayeen inay kuugu yimaadaan farrimaha -Suomi.fi. Xusuuso inaad gashid sanduuqaaga boostada ee cusub. 

Iimaylkaaga bixintiisa adigaa u madax banaan, laakiin farriimaha-Suomi.fi waxay kuu soo dirayaan wargelin ah farriinta kuugu timid iimaylka. Haddii aad siin weydid cinwaankaaga iimaylka, kuma heli kartid halkaas wargelimaha farriimaha. 

Haddii aad qaadatay isticmaalka farriimaha -Suomi.fi mar horeba, isbedelkaasi adiga kuma khuseeyaan. Waxaad ku heleysaa boostada masuuliyiinta ee farriimaha- Suomi.fi sidaadii hore hadda ka dib.  

Farriimaha- Suomi.fi waa qaab ammaan ah oo aad masuuliyiinta lagula xiriiro 

Markaad farriinku heshid ablikeyshanka a- Suomi.fi ama cinwaanka suomi.fi/viestit, waad aamini kartaa, in taas ay kuu soo direen masuuliyiin la yaqaanaa. Marka aad si xooggan u gashid adeegga ama ablikeyshanka a, waxaad furi kartaa warbixinaha lifaaqa ee farriimaha la xidhiidha ama linkiga. 

U dhaqan sidan, si aad u hubisid farriimaha- Suomi.fi isticmaalkooda ammaanka: 

  • Waxaan kugula talineynaa, in aad isticmaashid farriimaha- Suomi.fi ablikeyshanka a telefoonka. Waxaad ka soo degsan kartaa ablikeyshanka a Suomi.fi Google Play- ama App Store-tukaanka ablikeyshanka a. 
  • Isticmaalka ablikeyshanka a shurudeedu waa, in qalabkaaga nidaamkiisa isticmaalkiisu inuu yahay Android 11 ama mid ka cusub ama iOS 16 ama mid ka cusub. 
  • Hubi, in uunan telefoonkaagu gelin ablikeyshanka a xablikeyshanka a hurdada. Hagaaji telefoonkaaga nidaamiyihiisa ama si joogto ah u booqo sanduuqaaga boostada adigoo ku furaya  ablikeyshanka a Suomi.f. U ogolow wargelinta-Push, marka uu appku kaa codsado ogolaanshaha kuwaas soo diristooda, sidaas ayaad ku heli kartaa shaashada telefoonkaaga wargelinta appka farriimaha cusub. 
  • Waxaad ku isticmaali kartaa farriimaha-Suomi.fi sidoo kale kombiyuutarka ama qalabka talefoonka borowsarka . Ha ku raadin farriimaha- Suomi-fi mishiinka raadinta, ee kaliya ku qor cinwaanka adeegga -suomi.fi/viestit gebi ahnaaba leynka cinwaanka borowsarka ama ku keydi borowsarka calaamadha xarfaha  ama kuwa la jecel yahay. 
  • Farriimaha-Suomi.fi waxaa laguugu soo diri karaa iimayl ahaan wargelinta, marka ay boosto cusubi kuu timaado. Wargelintaad marnaba lama socdaan linkiyo. Ha furin iimaylkaaga linkiyada kuugu yimaada. 
  • Xusuuso inaad cinwaanka iimaylkaaga ka dhigtid mid goobihiisu wakhtiga la socdaan, si aad u heshid warbixinaha, marka ay kuu yimaadaan boostooyin cusub oo muhiim ahi. 
  • Farriimaha- Suomi.fi kuuma soo dirayaan adiga farriimo telefoonka ah. Ha furin farriimaha telkefoonka kuugu yimaada adiga linkiyada la socda. 
  • Waligaa ha siin shaqsi kale aqoonsiga bangigaaga lagu galo ama ha isticmaalin aqoonsiga bangigga ee shaqsi kale. Ku daneysiga arrimaha ee shaqsi kale dhinaciisu wuxuu sharci kuugu yahay kaliya si gaar ah iimaylka wakiilashada ku daneysiga ee laguu siiyey. Farriimaha- Suomi.fi isticmaalkooda waxaad siin kartaa aadna ka codsan kartaa wakiilashada cinwaanka suomi.fi/valtuudet. 

Waxaad sidoo kale joojin kartaa isticmaalka farriimaha- Suomi.fi 

Waxaad xili kasta ugu noqon kartaa inaad ku qaabisho boostada masuuliyiinta boosto waraaq ahaan ah.   

Sidan u dhaqa:  

  1. Tag cinwaanka suomi.fi  
  2. Ku gal aqoonsiga bangigga ama ku hubinta telefoonkaaga r 
  3. Fur Farriimaha-Suomi.fi  
  4. Dooro Xulashada/ Valikko  
  5. Dooro Dejimaha/ Asetukset  
  6. Dooro Qaab gudbinta farriimaha /Viestien toimitustapa  
  7. Dooro Jooji isticmaalka farriimaha- Suomi.fi/ Lopeta Suomi.fi-viestien käyttö  
  8. Dooro sababta oo riix Jooji isticmaalka farriimaha- Suomi.fi/ Lopeta Suomi.fi-viestien käyttö 

Marka aad dhameyso isticmaalka farriimaha- Suomi.fi, mar dambe kama heli doontid farriimo cusub farriimaha- Suomi.fi. Weli waad arki doontaa kuwa Kuu yimiday- iyo Kuwaad dirtey-feylashooda farriimihii hore ee ku soo gaadhay ama aad dirtey, laakiin kama jawaabi kartid farriimahaas mana diri kartid farriimo cusub.  

Kaliya ablikayshanka- Suomi.fi inaad ka saartid kuguma filna, ee waa inaad mar walba iska joojisid adeegga dejiyaha isticmaalka farriimaha- Suomi.fi- 

Ku noqoshada boostada waraaqaha ahi waxay shaqeynayaan sanadkiiba mar. 

Haddii aad saartid isticmaalka farriimaha-Suomi.fi oo aad sii wadatid isticmaalka adeegga ka daneysiga elektarooniga ah ee masuuliyiinta, waxaad  geli kartaa adeegga shabakada masuuliyiinta 365 maalmood ee soo socda iyadoonan lagugu hageynin inaad qaadatid isticmaalka farriimaha- Suomi.fi.    

Haddii aad koleyba sii wadeysid adeegyada dijitalka masuuliyiinta isticmaalkooda 365 maalmood mudadda loo cayimayna ay kaa xidhmato, waxaa lagugu hagayaa inaad markale qaadatid isticmaalka -Suomi.fi. Adeedgu wuxuu markaas noqonayaa aad mar kale isticmaaleysid, marka aad gashid adeegyada ka daneysiga ee masuuliyiinta midkood. Arrinta waxaa laguu sheegayaa adiga markaad galeysid, sidaas awgeed looma baahna inaad ka warwartid, in farriimaha - Suomi.fi ay noqonayaan kuwa aad isticmaaleysid adigoonan arrintaas ogeyn. 

Ma u isticmaali karaa farriimaha- Suomi.fi tusaale ahaan ehelkeyga dhinaciisa? 

Farriimaha- Suomi.fi waad u isticmaali kartaa qof kale dhinaciisa tusaale ahaan marka uu qofka ehelkaaga ahi uu sameeyey ” Valtakirja/Warqadda wakiilashada”, oo uu kuu siiyo wakiilasho rasmi ah farriimaha- Suomi.fi isticmaalkooda. Wakiilashada waxaa la siinayaa Suomi.fi-wakiilashadooda adigoo adeegsanaya (adeeggu wuxuu ku shaqeeyaa finnish, iswedhish iyo ingiriisi). ”Valtakirjassa/ warqadda wakiilashada” waxaad dooraneysaa qaabka aad dooneysid, tusaale ahaan kaliya akhrisashada  amaba sidoo kale farriimaha saaridooda. Haddii aad dooneysid inaad wakiil uga noqotid ehelkaaga visticmaalka farriimaha- Suomi.fi ama aad isticmaalka iska saartid, waxaad u baahan tahay wakiishaha Maareynta farriimiha elektarooniga ah/ Sähköisten viestien hallinnointi. 

Iskaa inaad u bixisid wakiilashada  

  • Haddii labadiinuba aad haysataan qalabka aqoonsashada xooggan, iskaa ayaad u sameyn kartaa wakiilashada.  
  • Wakiilashada waxaa laga sameynayaa cinwaanka suomi.fi/valtuudet isla markaananaba wuu shaqeynayaa.  
  • Midkiin ayaa dalbanaya wakiilnimada kan kalena wuxuu u ogolanayaa wakiilashada.  

Wakiilnimada waxaa bixiya DVV:da xafiiskooda   

  • Haddii labadiinuba aydaan haysanin qalabka aqoonsashada xooggan, waxaad ballan ka qabsan kartaan xafiiska - DVV:da. Shaqaalaha xafiiska ayaa sameynaya iswakiilashada dhexdiina oimipisteellä. 

FIIRO GAAR AH! Farriimaha -Suomi.fi xaaladnaba looma isticmaali karo in qof kale uu deymiyo qalabkiisa aqoonsashada xooggan, tusaale ahaan aqoonsashada bangigga. 

Ma uga baahan tahay caawimaad isticmaalka farriimaha- Suomi.fi ama joojinta isticmaalka?  

  • Haddii aad su’aal ka qabtid su’aalaha aad heshey dulucdooda, la soo xiriir soo diraha farrriimaha.  
  • Haddii isticmaalka dijitalka iyo daneysiga elektaroonigu uu kugu adag yahay, waxaad caawimaad ka heleysaa bixiyaha kaalmada dijitalka ee degmadaada. Weydii kaalmada dijitalka ee degmadaada laybareriga.  

Ku dar caawimaada isticmaalka farriimaha- Suomi.fi oo finnish, iswedhish iyo ingiriisi ah:  

  • Hagitaanka isticmaalka ee farriimaha- Suomi.fi. 
  • Adeegyada la talinta Suomi.fi t. 0295 000 (maalmaha shaqada saacadaha 9–15).   

Beaividuvvon: 20.4.2026

Leatgo duđavaš dán siiddu sisdollui?